Home Afsomali Dowladda Soomaaliya oo sheegtay in howlgal lagu dilay Saraakiil katirsan Al-Shabaab

Dowladda Soomaaliya oo sheegtay in howlgal lagu dilay Saraakiil katirsan Al-Shabaab

Ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed gaar ahaan qeybta 60aad ayaa saacadihii la soo dhaafay waxaa ay howlgal qorsheysan ka fuliyeen degaanka Dhursheen oo 35 KM Woqooyi kaga beegan degmada Xudur ee Xarunta Gobolka Bakool.

Howlgalka oo ay sigaar ah u fuliyeen Taliska Guutada 9-aad qeybta 60-aad ee xoogga dalka ayaa ujeedkoodu ahaa sidii loo xaqiijin lahaa amniga degaannada ku dhow dhow degmada Xudur, halkaas oo mararka qaar lagu arko Xubno katirsan Al-Shabaab.

Saraakiisha Ciidamada Taliska Guutada 9-aad qeybta 60-aad ayaa waxaa ay sheegeen in howlgalka lagu dilay laba Sarkaal oo lagu kala magacaabi jiray Axmed Mooragaabay iyo Cali Garweyne, kuwaas oo Al-Shabaab u qaabilsanaa go’doominta degmada Xudur ee Gobolka Bakool.

Waxaa ay sidoo kale sheegeen inay sii wadi doonaan howlgalka ka dhanka ah Al-Shabaab ilaa ay go’adoonka ka qaadaan degmada Xudur oo kamid ah degmooyinka ay go’doomiyeen Al-Shabaab ee katirsan Gobolka Bakool.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.