Home Afsomali Agaasimaha lagu kalsoon yahay ee NISSA ama taliye shib Mahad Maxamed...

Agaasimaha lagu kalsoon yahay ee NISSA ama taliye shib Mahad Maxamed Salaad Oo xiray Akoon lacag ugu soo dhici jirtay Taliye Amar diido ku kacay .

https://youtu.be/f2MK1eQG7F4

Agaasimaha Hay’adda Nabad sugida Soomaaliya Mahad Maxamed Salaad ayaa la sheegay inuu albaabada iskugu dhuftay ama uu xiray Akoon lacageed ka furnaa Gobolka Gedo.

Akoonka la xiray ayaa lagu uruurin jiray lacagta kasoo xaroota canshuurta laga qaado diyaaradaha ka dega garoomada kala duwan ee gobolka Gedo.

Taliyaha NISA Ee Gobolka Gedo Bakaal Kooke ayaa mar uu tegay garoonka Dooloow waxa la war geliyey in amar sare oo Agaasimaha NISA Mahad Salaad lagu xiray Akoonkii Lacagta lagu uruurin jiray.

Ilaa Hadda lama oga sababta keentay xirida akoonkaasi,xilli xitaa la sheegay inay lacag ahaan qoondo uu ka heli jiray Mahad Salaad qudhiisa.

Maalmihii lasoo dhaafay xiisad udhaxeysay Agaasimaha NISA Gobolka Gedo Bakaal Kooke & Gudoomiyaha Gobolka Gedo Axmed Buule Gareed (Canjeex) iyadoo arinta la isku hayey aheyd lacagta kasoo xaroota garoomada diyaaradaha Gobolkaasi.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.