Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa Ka hadlay hadal been abuur ah oo bulshada lagu faafiyay kaas oo lagu sheegay in Baarlamaanka uu ansixin doono shuruuc ka soo horjeeda Diinta Islaamka.
Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka federaalka ah ee Soomaaliya ayaa Maanta kulankii Golaha Shacabka ka hor cadeeyay mowqifkiisa ku aadan Xeerka Jinsiga ee muranka dhaliyay, kaas oo maalmihii la soo dhaafay aad loo hadal hayay.
Guddoomiyaha waxaa uu sheegay in marnaba aan Golaha Shacabka la horkeeni doonin xeer ama sharci ka hor imaanaya Diinta Islaamka iyo sharciyada kale ee dalka.
Halkan ka Daawada Muuqaalka Guddoomiyaha Golaha Shacabka
https://youtu.be/_Zy2SQfhhUQ