Home Afsomali Midowga Afrika oo War kasoo saaray qabsashada ciidanka dowladda ee Degmada Aadan...

Midowga Afrika oo War kasoo saaray qabsashada ciidanka dowladda ee Degmada Aadan Yabaal

Ergayga Gaarka ah ee Guddoomiyaha Golaha Midowga Afrika Danjire Maxamed Al-Amiin Seyf, ayaa ugu hambalyeeyay ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed qabsashada degmada Aadan Yabaal ee gobolka Shabeelaha Dhaxe.

Danjire Maxamed Al-Amiin Seyf, ayaana ku boggaadiyay ciidanka dowladda iyo kuwa deegaanka in Al Shabaab ka saaraan degmada Aadan Yabaal oo u aheyd xaruntii ugu weyneed ay ku lahaayeengobolka Shabeelaha Dhaxe.

“Waxa aan bogaadineynaa geesiyaasheenna ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed iyo saaxiibbada oo howlgallada milatari ee soconaya ku muujyey in ay awood u leeyihiin in jab culus oo aan soo kabasho lahayn ay Al-Shabaab ku gaarsiiyaan godadkooda,” ayuu yiri Danjire Seyf.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.