Home Afsomali Abaabul dagaal ka dhan ah shabaab oo ka socda Gobolka Gedo

Abaabul dagaal ka dhan ah shabaab oo ka socda Gobolka Gedo

Magaalada Baardheere ee Gobalka Gedo waxaa ku qabsoomay shirka Amniga oo ay ka qayb galeen Maamulka Degmada iyo  Hay’adaha kala duwan ee Nabadgalyada kaaso looga hadlayay xoojinta amaanka.

Gudoomiyaha Degmada Baardheere Maxamed Wali Yuusuf Qorax oo shir gudoominayey Shirka, xubnaha kale ee Maamulka iyo sarakiisha kale ayaa is waydaarsadey xogaha amni ee qarsoon oo u baahan in la iska xogwaraysto. sare u qaadida Nabada buuxda ee ka jirta Degmada iyo sidoo kale howlgallo ka dhan ah Ururka Al-Shabaab oo la bilaabayo

Guddoomiyaha Degmada ayaa ku boggaadiyey hay’adaha amniga  dadaalada ay wadaan ee  lagu xaqiijinayo amniga Degmada iyo degaanada hoos yimaado, isaga oo sidoo kale Shacabka ugu baaqay inay amniga kala Sahqeeyaan Ciidamada.

Degmada Baardheere ee gobolka Gedo ayaa waxaa dhowr jeer ka dhacay dagaalo u dhaxeeyay Ciidamada dowladda iyo kuwa Itoobiya oo dhinac ah iyo Al-Shabaab kadib markii Al-Shabaab ay weeerar kusoo qaadeen Saldhigyada Ciidamada ee degmadaas.

https://youtu.be/SSaAI1KAeCk

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.