Home Afsomali Ciidamada dowladda oo dagaal kula wareegay degaanka Al-Kowthar ee Shabeellaha Dhexe

Ciidamada dowladda oo dagaal kula wareegay degaanka Al-Kowthar ee Shabeellaha Dhexe

Deeganka Alkowthar ee gobolka Shabeellada dhexe oo ka mid ahaa xarumihii ugu waaweyna ee  Al-shabaab ayaa waxaa goordhow si buuxda ula wareegay ciidanka xoogga dalka iyo Xooggaga deegaanka ee {Macawisley}.

Taliyaha Ciidanka xoogga General Odawaa Yuusuf Raage oo la hadlay Warbaahinta Dowladda  ayaa xaqiijiyay qabashada Al-kowthar waxaana uu intaas ku daray in looga  daba tagayo goobaha ay ku sugan yihiin Al-Shabaab.

Degaanka Al-kowthar ayaa ka tirsan degmada Aadan Yabaal waana deegaankii ay ku sugnaayeen Al-Shabaabkii laga saaray degmada Aadan Yabaal, halkaas oo ay isku aruursanayeen hase yeeshee Ciidanka dowladda ay Maanta la wareegeen.

Weli degaano badan oo katirsan gobolka Shabeellaha Dhexe waxaa ka socda  dhaq dhaqaaqyo ciidan iyo howlgallo, iyada oo Ciidamada dowladda ay ksuii siqayaan degaano dhowr ah oo ay ku sugan yihiin Al-Shabaab.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.