Maraykanka ayaa sheegay inuu ugu yaboohayo Afrika lacag gaaraysa illaa $55 bilyan oo dollar, saddexda sano ee soo socota. Tallaabadan ayaa ku soo aadaysa, xilli uu madaxweyne Joe Biden uu isu diyaarinayo shirka Maraykanka iyo Afrika ee uu dalkiisu martigelinayo.
Dalka Maraykanka waxaa gaaray hoggaamiyayaasha ka qaybgelaya shir madaxeedka aadka u ballaaran oo dhexmaraya Maraykanka iyo dalalka Afrika, waxaana shirkan oo furmaya Maanta, la filayaa inay ka qaybgalaan wufuud gaaraysa illaa 50 oo kala metelaya dalalka Afrika iyo ururka Midawga Afrika.
Shirkan ayaa sidoo kale diiradda lagu saarayaa, “sidii loo ballaadrin lahaa iskaashiga wakhtiga dheer soo socday ee u dhexeeya Maraykanka iyo Afrika, iyo in la horumariyo danaha ay labada dhinac wadaagaan, iyo kor u qaadida codadka Afrika si ay si wada jira uga hadli karaan caqabadaha horyaalla xilligan” ayuuu yiri sarkaal u hadlay dawladda Maraykanka oo magaciisa qariyey.