Home Afsomali Adeegyada Aasaasiga Ah oo la Geyn Doonto  Deegaannada Laga Saaray AL-Shabaab  

Adeegyada Aasaasiga Ah oo la Geyn Doonto  Deegaannada Laga Saaray AL-Shabaab  

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Hamza Abdi Barre ayaa sheegay in aan la aqbali karin hooyada iyo dhallaanka Soomaaliyeed  in ay u dhintaan daryeel la’aan

Ra’iisul Wasaaraha oo ka qeyb galay kulanka isku duwidda hawlaha nidaamka caafimaadka Soomaaliya iyo xuska maalinta caalamiga ah ee yoolka caafimaadka, ayaa tilmaamay in xukuumaddiisu ku dadaaleyso in dalka laga saaro AL-Shabaab, lana sugo amniga, si dalka oo dhan ay uga billaabato nolol bulsho oo wanaagsan.

Mudane Xamse Cabdi Barre ayaa ballan qaaday in xukuumaddu ay deegaannada lagala wareegay AL-Shabaab ay geyn doonto adeegyada aasaasiga ah ee shacabku dowladda uga baahan yihiin oo uu ugu horreeyo adeeg caafimaad.

https://youtu.be/0orBXrKz73U

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.