Qofka markuu dhinto Ruuxdiisa Meydka dhinaciisa ayeey taagan tahay ‘ goorta la dhaqayo iyo marka la karfanayo labadaba.
Markii la aaso qofka Ruuxdiisa jirka ayeey ku soo laabataa Wuxuu soo toosayaa qofka Qabriga dhexdiisa wuxuu arkayaa mugdiga uu ku jiro,
Wuxuu sadex jeer isku dayayaa in Uu soo istaago lakin waxaa Uu madaxa ku dhufanayaa godka dhinacyadiisa.
Markaas ayuu ogaanayaa in uu geeriyooday.
Labo malak ayaa u imaanaya oo wax ka waydiinaya rabbigiis iyo diintiisa haku dhaco ama ha ku guuleysto,
Kadib waxaa la gaynayaa meel la yiraahdo (isthmus)
waxaa ku yaala labo daaqadood,
midi waxay ku sii jeedaa Jannada midna naarta Jahannamo,
Qofku halkaasuu ku sugnaanayaa ilaa inta laga gaarayo maalinta qiyaame si uu u aado Jannada ama Naarta mid kood,
Waxaa mararka qaar ku soo booqanaya ehelkaa markaasaa lagu oranayaa wiilkaagii ama walalkaa oo Aad aduunka uga soo tagtay ayaa ku soo booqanaya,
Markaasaa , Ruuxdaada inta ay faraxdo ayey soo koreeysa qabriga korkiisa ayadoo farxad u qabta boqashadaada,
Qofka markuu qabriga kugu soo booqdo waad maqleysaa waxkasta oo uu yiraahdo lakiin uma jawaabi kartid,
Walaal waa xasuusin qoraalkeyga maalinta geerida iyo qabriga iyo mugdiga naga horeeya,
haddaba aan barino Eebe inuu na siiyo dambi dhaaf dhamaanteen…..
#AAMIIN_______AAMIIN_______AAMIIN
https://youtu.be/uYBPEcYjvV8