DAMEERKU, IN LA CAAYO MOOYEE ISAGU MA CAAYTAMO SABABTU MAXAY TAHAY!!!?? Iga raali ahaada sheeko ayaa iga gashey!!
Sida aynu ognahay Dameerku, wuxuu ka mid yahay dabb joogta bani’aadamku xanaaneysto inta badan dushiisa ayaa loo adeegsadaa in wax-yaabaha gacan qabsiga ah ee aadka u culus oo bani’aadamku qaadi karin.
Laakiin dabb joogta intooda kale, waa ka duwan yahay oo waa la caayaa isaga iyo qofkii adeegsada marka laga hadlayo dhaqanka Soomaaliyeed. Waayo, wax-yaabo xun oo isaga dhaqan u leeyahay baa jira sidaas darteed baa loo caayaa.
Tusaalle, mararka qaar isagoo raran oo culeys saaran yahay, ayaa wuxuu sameeyaa qaylo aad u daran iyo waliba si aan la fileyna rarka u tuuraa taasoo mararka qaar nafsadiisa halis gelisa sida in uu jabo iyo in xariga qoorta ugu xiran isagoo leh ka carar, ayuu isku sii giijiyaa.
Halka qofka wata ee uu u rarnaana, Marka uu damco, in uu badbaadiyo hantidiisa iyo dameerka uu leeyahayba, Dameerkii wuxuu milkiilihiisa ka hor geeyaa haraati uusan ka fileyn sidaas baa mararka qaar isagii dhaawac weyn ku soo gaaraa qofkii lahaana dhibaato ugu geystaa.
Marka sababta aan u soo qaatey sheekada qormadan ayaa waxay tahay Shekh-siyaad leh hab dhaqanka noocaan ayaa bulshada Soomaaliyeed ka degi la’dahay iyagoo waliba aan u raraneyn dadkii xaqa u lahaa ee iyaga noloshooda ka naxayey bey mar walba la daba taagan yihiin been abuur, warxumo tashiil, abuurista nabad-gelyo xumo, burburin dhaqaale, dhaqankii, diintii iyo guud ahaan qiyamkii ay lahayd bulshada!!
Waayo, Dameerku inta badan bulshada Soomaaliyeed iyo guud ahaan Ummadda muslimka, hilibkiisa iyo caanihiisa ma isticmaalaan balse way rartaan oo keliya.
Maadaama faa’iido kale oo laga helo aysan jirin, taas baa keeneysa in la caayo. Qof kasta oo rartana wuu caayaa. Mida kale, wuxuu u muuqdaa xoolaha la dhaqdo kuwooda ugu caqliga liita in uu yahay baa lagu qiyaasaa sidaas darteed bulshada Soomaaliyeed waa in aysan ku kadsoomin dadka noocaas oo kale.
W/Q Maxamed Macallin Cismaan (All-man) MINNESOTA USA.
Mahadsanidiin.
https://youtu.be/N3k9enstcWg