Home Afsomali Ciidanka Booliska Gaarka ah Ee Haramcad oo howgal qorsheysan fuliyay

Ciidanka Booliska Gaarka ah Ee Haramcad oo howgal qorsheysan fuliyay

Ciidanka Booliska Gaarka ah Ee Haramcad ayaa Howlgal Qorshaysan oo ka dhan ahaa Urrurka Al-Shabaab  ka fuliyey deegaanka Ceel-Cali oo qiyaastii 15km u jira deegaanka Number 50 ee gobolka Shabeellaha Hoose.

Taliyaha Ciidanka Gaarka ah Ee Haramcad Gaashaanle Cabdixamiid Cabdullaahi Fanax oo howlgalka hoggaaminayay ayaa sheegay in ay burburiyeen xarun Maxkamada oo ay Al-Shabaab dadka lacago uga qaadi jireen dadka Shacabka ah.

Sidoo kale wuxuu sheegay inay howlgallada noqon doonaan kuwo sii socda ilaa dalka laga xorreeynayo Al-Shabaab oo uu sheegay inay dhibaato ku hayaan Shacabka Soomaaliyeed.

Ka sokow howlgalka ay ciidamada Booliska gaarka ah ee Haramcad ka sameeynayeen dalka ayaa waxaa jira howlgallo kale oo Ciidamada NISA iyo kuwa Millateriga ay ka wadaan qaar kamid ah gobolada dalka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.