Home Afsomali Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo si kulul uga hadlay dagaalka Baydhabo

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo si kulul uga hadlay dagaalka Baydhabo

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Sheekh Aadan Maxamed Nuur ( Madoobe) ayaa si kulul uga hadlay dagaalka Maanta Magaalada Baydhabo ku dhexmaray ciidamada Ammaanka iyo kuwa taageersan musharixiinta mucaaradka Koonfur Galbeed.

Qoraal kasoo baxay Xafiiska Guddoomiye Aadan Madoobe ayaa lagu sheegay in uu aad uga xun yahay shaqaaqada Maanta ka dhacday magaalada Baydhabo, isaga oo u tacsiyadeeyay ku dhintay dagaalka.

Sidoo kale Guddoomiyaha Golaha Shacabka Sheekh Aadan Maxamed Nuur ( Madoobe) ayaa sheegay in dagaalka ka socda magaalada Baydhabo ujeedka laga leeyahay uu yahay sidii loo fashlin lahaa shirka dib u heshiisiinta ee uu ku baaqay kaas oo loo ballansan yahay 5-ta Bisha Janaayo ee Sanadka 2023.

Halkan ka Daawada Warbixinta Warkaan

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.