Home Afsomali Howlgallo horleh oo ka bilaawday xadka Gobollada Sh/Dhexe iyo Galgaduud

Howlgallo horleh oo ka bilaawday xadka Gobollada Sh/Dhexe iyo Galgaduud

Ciidamada dowladda iyo dadkad deeganka oo iskaashaday ayaa dhaq dhaqaaqyo iyo howlgallo horleh oo ka dhan ah Al-Shabaab ka bilaabay degaanno kuyaalla xadka kala qeybiya Gobolada Shabeellaha Dheex iyo Galgaduud.

Guddoomiyaha Gobolka Shabeellaha Dhexe oo safar dhulka uga so baxay Degmada Aadan-Yabaal ee Gobolka Shabellaha Dhexe ayaa socdaal ku maray degaanada iyo Tuulooyinka kala ah Alkowsar Daaru Nimca Cadaan Laxeey Nuur Dugle iyo Tuulada Cali Salaad oo dhamaantood laga saaray Al-Shabaab

Guddoomiyaha oo ay wehliyaan Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya Taliyaha Ciidamada xooga dalka Taliyaha Ciidamada lugta iyo wasiirudowlaha wasaarada Gaashaandhiga Soomaaliya ayaa kulan dhiiragalin ah la qaatay Ciidamada dib u xureynta iyo saraakiisha Ciidamada xooga dalka Soomaaliyeed

Gudoomiyaha ayaa xusay in Alshabaab laga guuleystay lagana xureeyey degaanadii ay ku dhibaateyn jireen Shacabka Soomaaliyeed isago xusay in adeegyada Aas aasiga laga hirgalinayo degaanadii laga saaray Al-Shabaab

Gudoomiyaha ayaa sidoo kale ugu baaqay Ciidamada dib u xureynta ineysan ka harin Al-Shabaab  ilaa laga xureeyo deegan walbo ay kaga suganyihiin dhulka Soomaaliyeed.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.