Home Afsomali Madaxweynaha Galmudug oo soo gaaray magaalada muqdisho

Madaxweynaha Galmudug oo soo gaaray magaalada muqdisho

Madaxweynaha Galmudug,Axmed Cabdi Kaariye iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa soo gaaray magaalada Muqdisho , si uu uga qeyb galo Shirka Madasha Wadatashiga Qaran, oo lagu wado in uu ka furmo magaalada Muqdisho.

Shalay waxaa muqdisho yimid Madaxweynaha hir-Shabeelle, waxaana lagu wadaa saacadaha soo socda in Madaxda kale ee dowlad Goboleedyada inay soo gaaraan magaalada Muqdisho.

Shirka Golaha wadatashiga qaran ayaa la filayaa in uu ka qabsoomo magaalada Muqdisho, kaas oo looga hadlayo arrimaha amniga, Dhaqaalaha iyo arrimaha Abaaraha ee kajira dalka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.