Xildhibaan Ilhaan Cumar oo katirsan Koongareeska dalka Maraykanka oo maalmahan booqasho ku maraysay Puntland, ayaa beenisay warar ay qaar kamid ah saxaafaddu faafiyeen, oo ku saabsan in laga celiyay safar ay ku tagi lahayd magaalada Boosaaso.
Saxaafadda waxay sheegeen in madaxweyne Deni uu amar ku bixiyay in Ilhaan Cumar aysan tagin magaalada Boosaaso, si aanay ula kulmin siyaasiyiin iyo madax dhaqameed uu Deni khilaaf kala dhaxeeyo.
Ilhaan Omar ayaa wareysi ay BBC Somali siisay waxay ku sheegtay, in waqtiga oo ku yaraaday aanay u suurto galin inay booqato magaalada Boosaaso, iyadoo sheegtay inay jirin sabab magaalada Boosaaso looga celin karo inay booqato.
Maalintii shalay ayay u safartay magaalada Muqdisho, halkaas oo ay kula kulmayso masuuliyiinta dowladda federalka Soomaaliya.