Home Afsomali Shirka Golaha wadatashiga oo Maalintii labaad Galaya iyo qodobo…

Shirka Golaha wadatashiga oo Maalintii labaad Galaya iyo qodobo…

Waxaa maalintii labaad Galaya shirka u dhaxeeya Madaxda Dowladda Federaalka iyo dowlad Goboleedyada kajira dalka iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir, kaas oo shalay ka furmay Xarunta Madaxtooyada ee Villa Soomaaliya.

Shirka ayaa Maalintii koowaad ee shalay waxaa diirada lagu saaray arrimo ay kamid yihiin, federaaleynta garsoorka iyo asteynta awoodaha heer Federaal iyo heer Dowlad-goboleed, arrinkan oo qeyb ka ah dhammeystirka fulinta qodobbadii warmurtiyeedkii ka soo baxay Shirkii Madasha Qaranka 3-aad ee ku soo gaba-gaboobay Muqdisho 12-kii Sebteembar.

Maalinta labaad ee shirka ayaa waxaa looga hadlayaa xaaladda amniga dalka, gaar ahaan dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab oo Ciidamada Xoogga dalka ay ka soo hoyeen guulo waaweyn, kana xoreeyeen deeganno badan oo ay horey ugu sugnaayeen.

Wararka kale ee aan helnay ayaa sheegaya in Madaxda ay siwyen uga hadlayaan muddo krorsiga ay sameysteen dowlad Goboleedyada iyo shaqaaqadii ka dhacday magaalada baydhabo iyo sidoo kale sidii howgallada looga bilaabi lahaa degaannada iyo degmooyinka Maamulada Jubbaland iyo koonur Galbeed.

Geba-gabada Shirka Golaha wadatashiga Qaran ayaa la filayaa inay kasoo saran warmurtiyeed ku saabsan waxyaabihii ay ku heshiiyeen iyo iclaaminta xilliga uu qabsoomayo kulanka aad ee Golaha wadatashiga Qaran.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.