Wasaaradda deegaanka iyo isbeddelka cimilada ee Soomaaliya ayaa maamulka gobolka Banaadir ku wareejisay noocyo kala duwan oo geedo ah, taasoo qeyb ka ah dhiraynta magaalada. Tani waa talaabadii ugu horeysay ee hirgalinta aragtida madaxweynaha ee “Soomaaliya Cagaaran”.
Qorshahan ayaa ujeedkiisu yahay in 100 kun oo geed lagu beero magaalada Muqdisho, si ay tusaale ugu noqoto dhammaan magaalooyinka waaweyn ee dalka. Dhirtan oo ka qeyb qaadaneysa bilicda magaalada ayaa si dhaqsi leh u bixi karta, isla markaana ku haboon cimilada Muqdisho, waxaana ku deeqay darbiga weyn ee cagaaran iyo Jaamacadda Nabadda.
Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Deegaanka iyo Isbeddelka Cimilada Dr. Siciid Maxamed Cali ayaa sheegay in geedka ay wasaaraddu ku wareejisay maamulka gobolka uu muujinayo sida ay uga go’an tahay xaqiijinta hiigsiga “Soomaaliya Cagaaran”. Wuxuu xusay in wasaaraddu ay fulisay amarkii madaxweynaha ee ahaa in la bilaabo dhiraynta gobolka Banaadir ka hor dhamaadka sanadkan iyadoo lagu wareejiyay geedo geedo ah, taasoo asaas u ah hirgelinta geeddi-socodka.