https://youtu.be/lkw4o2Fra7k
Madaxweynaha Dowladda Hirshabeelle Mudane Cali Guudlaawe Xuseen oo ku hadlaya Afka Goleyaasha Maamulka iyo Shacabka Hirshabeelle ayaa ka tacsiyeeyay geerida ciidamadii iyo saraakiishii saaka ku dhintay weerarkii ay Al-Shabaab ku qaaday deegaanka Hilowle gaab ee hoos yimaada degmada Ruunirgood we Gobolka Shabeellaha Dhexe.
War saxaafadeed kasoo badly Madaxtooyada Hir-Shabeelle ayaa lagu sheerly in Madaxweynaha xusay in Al-Shabaab oo saaka weeraro ku biloowday qaraxyo kusoo qaaday fariisimaha Ciidamada iyo kuwa deegaanka ee ku sugnaa deegaanka Hilowle Gaab lagu jabiyay khasaarana lagu gaarsiiyay.
Madaxweynaha ayaa sheegay in la dardargalinayo howlgallada ka Dhaka ah Shabaab, waxaana uu shacabka Soomaaliyeed ugu baaqay inay ka qeybgalaan dhameystirka howlgallada socda.
Madaxweyne Cali Guudlaawe ayaa Alle uga Saraakiishii iyo Askartii naftooda ku waayay difaac dalka dadka iyo diinta inuu hoygooda ka yeelo Jannatul Firdowsa, Inta dhaawaca ahna uu Eebbe u boogo dhayo.