Doorasho maanta ka dhacday magaalada Muqdisho ayaa waxaa mar kale Hoggaanka Rugta Ganacsiga iyo Warshadaha Soomaaliyeed loogu doortay Maxamuud C/kariin Gabeyre oo xilkan hayay 4-tii sano ee u dambeysay.
Doorashadan ayaa waxaa ka soo qeyb galay ergo matalayay Rugaha Ganacsiga ee maamul goboleedyada iyo Gobolada Waqooyi.
Ka hor doorashada ayaa waxaa ka dhashay buuq, iyadoo muddo labo saacadood ay dib u dhacday, waxaana buuqan uu yimid markii Wasiirka Ganacsiga Soomaaliya uu is-hortaag ku sameeyay doorashada socotay, isagoo ku tilmaamay inay tahay doorasho aan sax aheyn.
Wada hadalo iyo dadaalo la sameeyay kaddib ayaa lagu guuleystay in wasiirka la qanciyo, isla markaana la ambaqaado doorashada.
Maxamuud C/kariin Gabeyre ayaa markii dambe ku guuleystay doorashada, isagoo helay 54 cod, halka labada Musharax ee ku soo xigay ee kala ahaa Sheekh Bashiir Maxamuud iyo Ibraahim Abukar Shaamow ay kala heleen 8 cod iyo 6 cod.
Rugta Ganacsiga iyo Warshadaha Soomaaliyeed ayaa muddooyinkii dambe lagu dhaliilayay doorasho la’aan iyo in hoggaanka xilka iska sii hayeen labo nin oo ahaa kuwo isku koobay howsha Rugta Ganacsiga, waxaana dad badan u arkayeen in shaqada rugta dhan ay tahay mid labo nin kaliya majaraha u haya, sida Guddoomiyaha iyo Agaasimaha.
https://youtu.be/Z7mcG4NESDM
https://youtu.be/m5Lma7tiNc8
Dhanka youtube ka https://www.youtube.com/channel/UCbEqHSbI6baCmdD0pnfHJ7g/videos?shelf_id=0&sort=dd&view=0