Home Afsomali Mareykanka oo ku dhawaaqay in $9M uu ku taageerayo Soomaaliya

Mareykanka oo ku dhawaaqay in $9M uu ku taageerayo Soomaaliya

Mareykanka ayaa Axaddii ku dhawaaqay in uu siinayo $9 milyan oo gargaar milatari oo cusub si loogu caawiyo ololaha socda ee ka dhanka ah Al-Shabaab. Waa markii ugu horeysay oo taageero militari oo toos ah tan iyo markii ciidamada Mareykanka ay dib ugu soo laabteen Soomaaliya, waxaana Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud uu ku dhawaaqay dagaal ka dhan ah maleeshiyada.

Safaaradda Mareykanka ee Muqdisho ayaa agab ciidan ku wareejisay dowladda Axadii shalay. Sida lagu sheegay barta Twitter-ka ee safaaradda, hubka iyo gaadiidkan ayaa lagu taageerayaa ololaha ay wadaan ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed ee looga xoreynayo deegaannada ay kaga sugan yihiin Al-Shabaab.

Sida uu sheegay Cabdulqaadir Maxamed Nuur oo ah Wasiirka Difaaca Soomaaliya, deeqdan milateri ee ka timid Mareykanka ayaa muujineysa kalsooni iyo marqaati ah in ciidamada milateriga Soomaaliya lagu aamini karo in ay maamulaan hubkaas oo aan ku dhicin gacmo qaldan. Waxa uu intaasi ku daray in hubkaasi uu kaalin muhiim ah ka qaadan doono la dagaalanka Khawaarijta.

Khawaarijku waa eray bahdil ah oo madaxda Soomaalidu ku tilmaamaan Al-Shabaab.

Matt Bryden, oo ah khabiir dhanka ammaanka ah, isla markaana ah aasaasaha hay’adda Sahan Research, oo ah hay’ad cilmi-nafsi oo ka faalloota Geeska Afrika, ayaa ku tilmaamay deeqdan cusub inay tahay mid ay ku taageerayso dadaalka maamulka Maxamuud uu kula dagaallamayo kooxda xagjirka ah.

“Balanqaadkii dhawaan Mareykanka ee ahaa in uu taageero militari oo dheeri ah siiyo Ciidanka Qaranka Soomaaliyeed waa calaamad kalsooni,” ayuu yiri Bryden. “Ma ahan lacag aad u badan, balse waxay astaan ​​u tahay in lagu kalsoonaan karo horumarka laga gaarayo dagaallada ka dhanka ah Al-shabaab ee ka socda gobollada dhexe ee Soomaaliya.”

Ciidamada dowladda Soomaaliya ayaa tan iyo bishii July waxa ay ku guda jireen howlgalo ay ka barbar dagaalamayaan maleeshiyo beeleedyo deegaanka ah oo ka dhan ah Al-Shabaab.

Ciidamada dowladda taabacsan ayaa qabsaday tuulooyin iyo magaalooyin badan oo u badan dowlad goboleedka Hirshabeelle. Si kastaba ha ahaatee, Maleeshiyada ayaa sii wada weeraro rogaal celis ah oo ka dhan ah Ciidamada Dowladda iyo kuwa rayidka ah.

Cabdicasiis Isaack, oo ah khabiir dhanka amniga ah oo ka tirsan xarunta xadaaradda Xamad Bin Khaliifa, ayaa VOA u sheegay in xirmada cusub ee milateri ay muhiim u noqon doonto ciidamada Soomaaliya oo heysta hub kooban.

Isaack ayaa sheegay in kaalmada milateri ay Soomaaliya ka caawin doonto dagaalka ka dhanka ah Al-shabaab. Waxa uu intaasi ku daray in caqabada ugu weyn ee heysata Milliteriga Somalia ay tahay inay heystaan ​​Hub la mid ah kan Al-Shabaab — taasi oo adkeyneysa inay guulo ka gaaraan dagaalka ay kula jiraan Alshabaab.

Mareykanka ayaa ka mid ah dowladaha ugu badan ee taageera ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed, gaar ahaan garabkooda Kumaandooska, ciidamada gaarka ah ee Danab, kuwaasi oo loo tababaray dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab ee ka dhaca magaalooyinka.

https://youtu.be/brEdYd9bmFg

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.