Magaalada caasimadda ah ee Muqdisho waxaa maalinimada beri oo Khamiis ah ka dhacaya banaannax ka dhan ah kooxda Al-Shabaab ee dagaalka dalka looga xoreynayo uu socda.
Dibadbaxan oo loogu magac daray “DAAHFURKA KACDOONKA MUQDISHO” waxaa ka qeyb galaya madaxweynaha, ra’iisul wasaaraha, gudoonka labada aqal ee baarlamaanka, wasiirada, xildhibaanada, maamulka gobolka iyo kuwa degmooyinka iyo shacabka ku nool magaaladan Muqdisho.
Sida qorshuhu yahay, dibadbaxa oo lagu qabanayo garoonka dusha ka furan ee Koonis Stadium ee degmada C/casiis waxaa ka qeyb galayo dad lagu qiyaasay iney kor u dhaafayaan 20,000 (Labaatan kun oo qof) kuwaasoo loo diyaariyay boorar ay ku xardhan yihiinq erayo ka dhan ah kooxda Al-Shabaab.
Wasiirada xukuumadda ayaa la faray iney dibadbaxa keenaan dhamaan Agaasimayaasha guud, Agaasime waaxeedyada, guud ahaan howlwadeenada shaqaalaha wasaarada iyo hay’adaha hoostaga, iyadoo gudoomiyayaasha 17-ka degmo iyana lagu amray iney shacabka degmooyinkooda isu soo uruuriyaan.
Madaxweynaha dalka Xasan Sheekh Maxamuud ayaa lagu wadaa inuu la hadlo dadka isu soo baxaya, isagoo ku dhawaaqi doono howlgal balaaran oo ka dhan ah Shabaab, kaasoo ka bilaabanaya magaalada caasimadda ah ee Muqdisho.
Arrintan ayaa salka ku heyso xogo ay heleen hay’adaha amniga ee dowladda oo la xiriirta in Shabaabka ka soo firxanaya gobolada dalka ay si dhuumaaleysi ah kusoo galeen magaaladan, loona baahan yahay in lala yimaado qorshe lagu sifeynayo.