Waxaa xalay Magaalada Muqdisho kulan gaar ahaa ku yeeshay Madaxweynaha Dowlada Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo Sanater Cabdullahi Sheekh ismaaciil Fartaag oo kamid ah Xildhibaannada Aqalka Sare, iyada oo uu khada taleefoonka uga qeyb galay guddoomiyaha Gobolka Gedo Axmed Buulle Gareed & Wasiir kuxigeenka Arrimaha Gudaha Jubbaland Cabdiraxmaan Maxamed Xuseen.
Kulanka ayaa wararka aan helnay waxaa ay sheegayaan in looga hadlay arrimaha Gobolka Gedo, iyada oo Madaxweyne Xasan Sheekh uu u sheegay mas’uuliyiinta in loo baahan yahay Maamulka Jubbaland oo mideysan oo Kismaayo kaliya aan ku okeen.