Home Afsomali Sidee Madaxweyne Xasan Sheekh Loogu Soodhaweeyay Baydhaba?

Sidee Madaxweyne Xasan Sheekh Loogu Soodhaweeyay Baydhaba?

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminaayo oo ka qeyb-galaya Shirka Wadatashiga iyo Dib u Heshiisiinta Koonfur-Galbeed ayaa soo gaaray Magaalada Baydhabo ee Xarunta ku-meel-gaarka ah ee Dowlad Goboleedka Koonfur-Galbeed.

Madaxweynaha ayaa bogaadiyay gogashan oo uu fidiyey Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur, si loo xaqiijiyo Koonfur-galbeed heshiis ah, loona xoojiyo midnimada iyo wadajirka dadka deegaanka.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa inta uu ku sugan yahay Koonfur-galbeed waxa uu xoogga saari doonaa sidii loo dardar gelin lahaa xoreynta deegaannada Konfur-galbeed ee wali ay argagixisadu ku dhibaateeyaan dadkeenna, kana soo maleegayaan gumaadka iyo amni darrada.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.