Home Afsomali Booliska Muqdisho oo qabtay rag ku eedeysan Burcadnimo

Booliska Muqdisho oo qabtay rag ku eedeysan Burcadnimo

Ciidanka Booliska Saldhigga Degmada Xamarweyne ee Gobolkan banaadir ayaa xabsiga dhigay labo kamid ah burcadda hubaysan ah ee dadka Shacabka ah beerta xiliyada habeenkii ah, kuwaas oo xalay ciidanku ka qabteen isla Degmada Xamarweyne.

Ciidanka ayaa ragaan qabty iyaga oo wata qoriga AK47 iyo moota bajaaj, waxa ayna dhacayeen xiliga la qabtay labo qof dumar ah oo marayay aga-gaarka Kawaanka Maleeyga ee Degmada Xamarweyne.

War kasoo baxay Taliska Qeybta Guud ee Booliska Gobolka Banaadir ayaa waxaa lagu sheegay inay u taagan yihiin ilaalinta Nabadda si bulshada Caasimadda amni ugu wada noolaadaan.

Maalmihii la soo dhaafay ayaa howlgallo ka kala dhacay degmooyin katirsan gobolkan Banaadir waxaa ay ciidamada ku guuleysteen inay qabtaan rag ku eedeysan Burcadnimo, kuwaas oo aan weli la maxkamadeyn.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.