Madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam oo maanta khudbadda Jimcaha ka jeediyey Masaajidka Madaxtooyada ee Magaalada Kismaayo ayaa sheegay in Jubbaland ay bilaabeyso howlgal ka dhan ah Al-Shabaab.
Madaxweynaha ayaa fariin adag u diray Ganacsatada Lacagaha siiya Al-Shabaab, isaga oo sicad ugu sheegay in Hantida lagala wareegi doono cidii lagu arko falkaas.
Dhawaan ayaa la filayaa in degaannada dowlad Goboleedka Jubbaland ka billaawdaan howlgallo ka dhan ah Al-Shabaab.