Home Afsomali Raiisal wasaaraha Dalka ayaa dhagax dhigay dhismihii ugu horeeyey ee uu yeesho...

Raiisal wasaaraha Dalka ayaa dhagax dhigay dhismihii ugu horeeyey ee uu yeesho hogaanka socdaalka iyo jinsiyadah soomaaliyeed (DAAWO SAWIRADA)

 

Raiisal wasaaraha soomaliya Xasan Cali Kheyre ayaa dhagax dhigay dhismo cusub oo uu yeelanayo hogaanka socdaalka iyo jinsiyadaha soomaaliyeed .

Raiisal wasaare ayaa ka qeybgalay munaasibada dhagaxdhiga oo ay ku wehliyeen masuuliyiin wasiiro taliyaal ciidan iyo dadweyne aad u farabadan .
Agaasimaha hey.ada socdaalka iyo jinsiyadaha Maxamed Adan Koofi ayaa sheegay in hogaanku baahi weyn u qabay in uu yeesho dhismo u gaar ah oo uu bulshada ugu shaqeeyo.

Xarunta ayaa laga dhisayaa goob aan sidaa uga fogeyn garoonka diyaaradaha ee magaalada muqdisho .
Raiisalwasaare Xasan Bile ayaa dhagax dhiga ka dib hadal kooban ka jeediyey wuxuuna xusay in ay tahay wax lagu farxo in shacabka iyo dowladu iska kaashadaan dib u dhiska dalka .
Xasan Cali kheyre ayaa sheegay in ay tagay markii ugu horeysay ee laanta socdaalku ku yeesho dhismo u gaar ah taasoo uu sheegay in ay tahay arin lagu farxo

 

https://youtu.be/Z7mcG4NESDM

https://youtu.be/m5Lma7tiNc8

Dhanka youtube ka https://www.youtube.com/channel/UCbEqHSbI6baCmdD0pnfHJ7g/videos?shelf_id=0&sort=dd&view=0

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.