Home Afsomali Madaxweyne Deni: Daacish iyo Shabaab inta la shaqeysata waala yaqaano waana raadsanaynaa

Madaxweyne Deni: Daacish iyo Shabaab inta la shaqeysata waala yaqaano waana raadsanaynaa

Madaxweynaha maamulka Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa sheegay inuu soo socdo qorshe amni oo lagu beegsanayo dadka Shabaab iyo Daacish la shaqeeya.

Madaxweyne Deni ayaa sheegay inay og yihiin dadka la shaqeysta Shabaab iyo Daaciash. Wuxuuna sheegay inta aan loo gudbin dagaalka buuraha in wax laga qabanayo kuwa magaalooyinka ku sugan.

“Xaqiiqdan idiin sheegayaa, qorshaha amni ee soo socda inta aanan buuraha aadin, kuwa gudaha joogaan raadsanaynaa,” ayuu yiri madaxweyne Deni.

Hadalka madaxweyne Deni ayaa kusoo beegmay, xilli degaano katirsan gobolka Bari loo gaarsiin waayay diiwaan galinta doorashada, cabsi laga muujiyay halista amni ee ka imaan karta Shabaab iyo Daacish, oo ku sugan buuraha gobolka Bari.

Labo maalin ka horna Maraykanka ayaa duqayn uu ka fuliyay gobolka Bari ku dilay sarkaal sare oo katirsanaa ururka Daacish.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.