Home Afsomali Shir maanta ka Furmaya Muqdisho iyo Wadooyinka oo la xiray

Shir maanta ka Furmaya Muqdisho iyo Wadooyinka oo la xiray

Magaalada Muqdisho ayaa  maanta waxaa  ka furmaya shir u dhaxeeya Madaxda dalalka  Soomaaliya, Kenya, Jabuuti Iyo Itoobiya.

Shirka  ayaa  looga hadli doonna Xaalada Amni ee Soomaaliya iyo sidii dawlada Federaalka looga taageeri lahaa dagaalka ay kula jirto Alshabaab ee ka socda qaybo badan oo ka tirsan gobolada dalka iyo kaallinta  Ciidamada  ATMIS ee jooga Soomaaliya ay ka qaadanayaan Hawlgallada ka dhan ah Alshabaab.

Madaxda Dalalka Ciidamadooda ay  ka joogaan Soomaaliya ayaa la filayaa in ay maanta Muqdisho soo gaaraan iyadoo inta badan la xidhay Wadooyinka muhiimka lana joojiyay socodka Gaadiidka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.