Home Afsomali Qaar kamid ah dhaawacyada qaraxii Soobe 2 oo Muqdisho dib ugu soo...

Qaar kamid ah dhaawacyada qaraxii Soobe 2 oo Muqdisho dib ugu soo laabtay

Waxaa Maanta Dalka dib ugu soo laabtay qaar ka mid ah dhaawacyadii Qaraxii Zoobe 2 kadib markii lagu soo daweeyay isbitaallada Dalka aan walaalaha nahay ee Imaaraadka Carabta.

Waxaa garoonka diyaaradaha caalamiga ah ee Aadan Cadde ku soo dhaweeyay qaar kamid ah eheladooda iyo Safiirka Imaaraadka Carabta u fadhiya Dalkeena Danjire Axmed Jumca Al-Rumaythi.

Dhaawacyada lagu soo daweeyay dalka Isutaga Imaaraadka Carabta ee maanta Dalkooda hooyo dib ugu soo laabtay ayaa uga mahadceliyey Dowladda iyo Shacabka Imaaraadka sida ay u garab taagan yihiin markasta walaalahooda Soomaaliyeed.

Waxaa xusid mudan in qaar kale oo ka mid ah dadkii ku dhaawacmay Qaraxii Zoobe 2 ay weli ku jiraan isbitaalada Dalka Imaaraadka, kuwaasi oo marka ay dhameystaan ​​daweyntooda ay dib ugu laaban doonaan dalkooda.

dalka Isutaga Imaaraadka Carabta ayaa ka mid ah dalalka Soomaaliya saaxiibka dhaw la ah ee ka taageera arrimaha gargaarka bini’aadantinimada iyo horumarinta, waxayna mar walba gacan ka geystaan daaweynta walahooda Soomaaliyeed ee ku dhaawacma qaraxyada ka dhaca dalka

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.