Home Afsomali RW Xamse oo tababar u soo xiray Ciidamo la dagaalamaya Al-Shabaab

RW Xamse oo tababar u soo xiray Ciidamo la dagaalamaya Al-Shabaab

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya  Xamsa Cabdi Barre oo maanta gaaray Saldhigga Ballidoogle ayaa u soo xiray tababar ciidamo ka tirsan Kumaandooska Danab ee xoogga dalka.

Ciidamadan oo qaatay tababar sare oo ku aaddan difaaca dalka iyo dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab , ayaa Ra’iisul Wasaaruhu ku boggaadiyay dadaalka ay muujiyeen mudadii ay ku jireen tababarka.

Mudane Xamse ayaa uga mahadceliyay dowladda Mareykanka oo kaalin weyn ka qaadatay tababarka ciidankan, wuxuuna ciidanka ka dalbaday inay u diyaar garoobaan dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.