Home Afsomali Soomaalida London oo xafladii ugu weyneyd ku taageeray Raisul wasaare Xasan Cali...

Soomaalida London oo xafladii ugu weyneyd ku taageeray Raisul wasaare Xasan Cali Kheyre (DAAWO SAWIRADA )

Dhageyso Been hawaasow Beeshi guurtaye Baal ka soo Raac 

Xaflad weyn oo lagu taageerayey raisul wasaaraha cusub ee dhowaan loo magacaabay Xukuumada federaalka Soomaaliya ayaa xalay lagu qabtay magaalada London.

Jaaliyadda Soomaalida ee magaalada London oo aan u kala harin ayaa soo qaban-qaaabiyey xafladan oo lagu qabtay hool weyn ee Brent Civic Centre oo ku yaalla garoonka Wembley.

Waxaa xafladan soo si weyn uga soo qeyb galay Jaaliyada Soomaalida ee ku dhaqan dalka Ingiriiska, iyadoo ay ka qeyb galeen masuuliyiin sare oo ka tirsanaa dowladihii isaga dambeeyey xukunka dalka iyo marti sharaf kale.

Ra’isul wasaarihii hore ee dowladdii KMG aheyd ee Soomaaliya Nuur Xasan Xuseen (Nuur Cadde) oo ka hadlay xafladaas ayaa sheegay inuu aad ugu faraxsan yahay madaxda cusub ee dowlada Somalia, gaar ahaan RW Kheyre uu sheegay inuu yahay shaqsi wax badan u soo qabtay shacabka Soomaaliyeed, una qalma xilka loo magacaabay.

“Inaan xaflado isugu imaano oo taageerno kaliya kuma filna madaxda dowlada waa inaan garab iyo gaashaan u noqonaa, hiil hoona la garab joogsanaa, haddii ay qaldamaana waa inaan la caayin ee la saxaa” ayuu yiri Nuur cadde oo dhinaca kale ku baaqay in loo gurmado dadka abaaruhu ku dhufteen ee ku tabaaleysan Somalia

Ra’iisul-Wasaare ku-xigeenkii hore, ahaana Wasiirka Arrimaha Dibedda Maxamed Maxamuud Xaaji Ibraahim oo isna ka mid ahaa masuuliyiintii ka hadashay xafladan ayaa u hambalyeeyey madaxda cusub ee dowlada, isagoo xusay in looga fadhiyo waxqabad muuqda oo dhan walba iney la yimaadaan.

Halgame Cabdiqaadir Cali Boolaay oo isna ka mid ahaa xubnihii ka hadlay xafladaas ayaa ku dhearaaday ka hadalka Midnimada iyo Dowlad wanaaga, isagoo xusay in dalka uu soo maray Xaalada aad u dhib badan, loona baahan yahay in Gacmaha la is qabsado.

Waxaa sidoo kale xaflada khudbado kala duwan ka jeediyey masuuliyiin, odayaal, aqoonyahano, haween, dhalinyaro iyo xubno kale oo ka mid ah jaaliyada Soomaaliyed ee London kuwaasoo si weyn u soo dhoweeyey raisul wasaaraha cusub, iyagoo ku baaqay in lala shaqeeyo.

Raisul wasaaraha Soomaaliya ayaa khadka telefanka kaga qeyb galo xafladan khudbadna ka jeediyay Wuxuuna Yiri :“Anigoo ka faa’iideysanaya munaasabadan Waxaan Jaaliyadda Soomaaliyeed ee Magaalada London ku boorinayaa inay qeyb libaaxleh ka qaataan gurmadka Shacabka Soomaaliyeed ee ay abaaruhu ku dhufteen”.

Ugu Danbayntii Ka qeyb galayaasha munaasabadan ayaa amaan badan u soo jeediyey xubnihii soo abaabulay xafladan oo aheyd tii uu ballaarneyd mudooyinkan ee ay isugu yimaadaan jaaliyada Soomaalida ee London.

Gudiga Qaban Qaabada Xafladda Rasul Wasaaraha Soomaaliya Mudane Xasan Cali Khayre:

1) Mudane Mukhtaar Macalin Abdalla
2) Mudane Cabdiraxmaan Macalin Xuseen
3) Marwo Jamiilo Xasan Garuun
4) Marwo Maryan Gawle
5) Marwo Zahra Xaaji Maxamuud Falko
6) Marwo Jamiilo Xassan Ducaale
7) Mudane Cali Ahmed (Ali Mire)
8) Mudane Aadan Geedoow Cawaale
9) Mudane Maxamed Cali
10) Mudane Saadaq Macalin Ibraahin
11) Mudane Eng Ibraahin Shaakeeye
12) Marwo Fardowsa Xaaji Cabdulle
13) Marwo Ifraax Bashiir Shiikh
14) Marwo Suleeqo Ahmed Geedi

                                         dhamaad 

https://youtu.be/Z7mcG4NESDM

https://youtu.be/m5Lma7tiNc8

Dhanka youtube ka https://www.youtube.com/channel/UCbEqHSbI6baCmdD0pnfHJ7g/videos?shelf_id=0&sort=dd&view=0

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.