Hoggaamiyaha Puntland Saciid Cabdullaahi Deni wuxuu maalmo badan la dhibaatoonaya inuu magaalada Garoowe ee caasimada Puntland ka dhaqan-geliyo isdiiwaan-galinta dadweynaha iyo barnaamijkiisa oo ugu magac daray dimuqraadiyeynta Puntland, kaas oo la kulmay diidmo dhaqan, mid siyaasadeed iyo mid ciidan.
Dhowr maalmood kahor ciidan ku abtirsada magaalad Garoowe oo diidan sida uu Saciid Deni wax u rabo ayaa weeraray goob loogu tala-galay in lagu diiwaan-geliyo dadweynaha.
Odayaasha dhaqanka ayaa ku guuleystay inay ciidanka la hadlaan oo xabada joojiyaan. Ciidanka diidan qorshaha Saciid Deni ayaa waxaa hogaaminaya nin la yiraahdo Jimcaale oo reer Garoowe ah.
Ninkan iyo Saciid Deni ayaa isku saf ahaa dagaalkii kal hore ka dhacay Boosaaso ee ay la galeen Ilmo Diyaano, laakiin hadda jihada uu Saciid la rabo xukunka iyo sida Jimcaale ugu weyn tahay tarihii soo jireenka ahaa oo hadda beeshiisa maraya ayaa kala dilay labada nin.
Ciidan xoog leh ayuu Jimcaale haysta, waana taliyaha guutada labaad ee kumaandooska Puntland.
Siyaasiyiinta reer Garoowe ayaa miisaankoodu sidoo kale weli diidan yahay sida uu Saciid Deni wax u rabo.