Home Afsomali Dowladda oo sheegtay in howlgal lau dilay Saraakiil & Xubno katirsan Al-Shabaab

Dowladda oo sheegtay in howlgal lau dilay Saraakiil & Xubno katirsan Al-Shabaab

Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay in in ka badan 42 katirsan Al-Shabaab lagu dilay howlgal qorshaysan oo Ciidanka Qaranka,dadka deegaanka iyo Saaxiibada Caalamiga ah ay ka sameeyeen deegaanka Cadalay oo hoostaga degmada Mahadaay ee gobalka Shabeellaha Dhexe.

Qoraal kasoo baxay Wasaaradda Warfaafinta Xukuumadda Soomaaliya ayaa waxaa lagu sheegay in Howlgalka oo socday in ka badan 30 saacadood lagu beegsaday Saraakiil  iyo Xubno Al-Shabaab ah oo isku abaabulayay deegaanka.

“ 27-ka mid ah Al-Shabaab ayaa lagu dilay hal goob, halka 15 kalana maanta lagu dilay goob kale oo ay godad  ka qoteen oo ku taala isla deegaankaan Cadalay ayaa lagu yiri” Warka kasoo baxay Wasaaradda.

“Ciidanka Qaranka iyo geesiyaasha dadka deegaanka ayaa la wareegay deegaanka Cadalay, waxaana gacanta lagu dhigay Hubkii ay lahaayeen Al-Shabaab iyo Saanad ciidan, wuxuuna howlgalka daba socday howlgal maalmo ka hor ka dhacay deegaannada Iji iyo Afcad kuwaasi oo lagu dilay boqolaal Al-Shabaab.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.