Home Afsomali Ciidankii Somaliland oo isaga baxay aagag Dagaal oo ay kaga sugnaayeen Laascaanood

Ciidankii Somaliland oo isaga baxay aagag Dagaal oo ay kaga sugnaayeen Laascaanood

Wararka la helayo ayaa sheegaya in arroornimadii hore ee saaka ay ciidanka maamulka Somaliland ay isaga baxeen inta badan aagagii dagaalka ka socday 21 kii maalmood ee lasoo dhaafay ee magaalada Laascaanood ee Xarunta Gobolka Sool.

Ciidanka Somaliland ayaa baneeyay guriga gobalka Sool, waxaana durbadii la wareegay ciidanka deegaanka ee SSC, kuwaasi oo guriga ka dejiyay calankii Somaliland, sida lagu arkayay sawirro lagu baahiyay faraha Bulshada.

Illaa iyo hadda ma jiro wax war ah oo kasoo baxay Somaliland oo ay uga hadlayaan ka bixitaankooda agagii dagaalka ka socday, Laascaanood ayaa waxaa  shalay ka dhacay dagaal xooggan oo dhaliyey khasaaro aad u farabadan oo dhimasho iyo dhaawac leh.

Ciidanka deegaanka ee SSC ayaa dagaaladii shalay dhacay ku qabsaday Saldhigyo  waaweyn oo ay ku sugnaayeen ciidamada maamulka Somaliland iyo gaadiid nooca dagaalka iyo hub, waxaana ciidankii halkaas joogay ay aadeen degaano kale oo  ka tirsan Gobolka

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.