Home Afsomali Guddoomiyaha Baarlamaanka Somaliland oo markii ugu horreysay ka hadlay dagaalka Laas-Caanood

Guddoomiyaha Baarlamaanka Somaliland oo markii ugu horreysay ka hadlay dagaalka Laas-Caanood

Guddoomiyaha Baarlamaanka Somaliland Cabdirisaaq Khaliif ayaa Saddex todobaad kadib waxaa uu si  kulul uga hadlay dagaalka ka socda Magaalada Laas-Caanood ee Xarunta Gobolka Sool, kuwaas oo u dhaxeeya Ciidamada degaanka iyo kuwa Somaliland.

Guddoomiyaha oo maalmahaan ku sugan magaalada Laas-Caanood ayaa sheegay in uusan aheyn Nin u Shaqeeya sida Wasiirka Warfaafinta Somaliland Saleemaan Cali Koore, sidoo kalena aheyn Nin metela Magaalooyinka Hareysa, Burco iyo Gibiley, balse uu yahay in Metela dadka Reer Sool una doodayo.

Sidoo kale Guddoomiyaha wuxuu ku eedeeyay Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi in uu fur furaayo xarig kasta oo lagu doonayo in lagu gaaro  nabad si loojoojiyo dagaalka ka socda duleedka magaalada Laas-Caanood ee Xarunta Gobolka ool.

Guddoomiyaha Baarlamaanka Somaliland Cabdirisaaq Khaliif wuxuu sheegay in talada dhulka waxa ay ka go’do isimadayada, halka ay ku taliyaana lagu khasban yahay ayna jirin cid kale oo wax laga weydiinayo.

Hadalka Guddoomiyaha Baarlamaanka Somaliland Cabdirisaaq Khaliif ayaa kusoo aadaya xilli dagaal muddo Saddex todobaad ka badan qaatay uu ka dhacay Magaalada Laas-Caanood, kaas oo geystay khasaaro dhimasho iyo dhaawac ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.