Home Afsomali DFS oo ku dhawaaqday qorsho laga fulinayo degaannada laga saaray Al-Shabaab

DFS oo ku dhawaaqday qorsho laga fulinayo degaannada laga saaray Al-Shabaab

Agaasimaha waaxda Tacliinta sare ee Wasaarada Waxbarashada Soomaaliya Ismaaciil Yuusuf Cismaan ayaa ka hadlay mowqifka wasaarada ee ku aadan gaarsiinta adeega waxbarashada ee deegaanada Laga saaray Al-Shabaaab ee gobolada dalka.

Agaasimaha ayaa xusay in wasaaradu ay gaarsiin doonto nidaamka waxbarashada ee dalka u yaalla deegaanada lagala wareegay Al-Shabaab si dadka kunool ay waxbrasho u helaan.

Waxa uu carabaabay in sida ugu dhaqsiyaha badan lagu gaarsiin doono, sidoo kale waxa uu tilmaamay in ay dayactiri doonaan goobihii waxbarashada ee burburay si sanadka soo aadan dib loo howlgeliyo xarumahaas bulshada ku nool goobahaasi ay u heli lahaayeen nidaam Waxbarasho.

Hadalka agaasimaha waaxda Tacliinta sare Ismaaciil Yuusuf Cismaan ayaa ku soo beegmaya xilli dadka ku nool degmooyinka iyo deegaanadii dhawaan lagala wareegay Al-Shabaab ay dalbanayeen in la soo gaarsiiyo nidaamka waxbarashada si bulshadaasi u helaan waxbarasho sidoo kalena ay jireen in xarumihii waxbarashada ay burbureeen taasi oo bulshada seejisay waxbarashada.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.