Dowadda Soomaaliya ayaa sheegtay in Ciidanka Sirdoonka Soomaaliya iyo Saaxiibada Caalamka ay Saraakiil katirsan Al-Shabaab ku dileen howlgal ka dhacay Gobolka Hiiraan ee dowlad Goboleedka Hir-Shabaab.
Warsaxaafadeed kasoo baxay Wasaaradda Warfaafinta Soomaaliya ayaa waxaa lagu sheegay in inta la xaqiijiyay 10 ka tirsan Al-Shabaab oo ay ku jiraan Saraakiil lagu dilay howlgal ciidanka Sirdoonka iyo Nabad Sugidda Qaranka iyo Saaxiibada Caalamiga ah ay ka sameeyeen Deegaanka Buurweyn oo 23 KM Waqooyi Galbeed ka xiga Degmada Jalalaqsi ee Gobolka Hiiraan
“Howlgalka ayaa lagu beegsaday Saraakiil ay ku raad joogeen Sirdoonka Soomaaliya kuwaas oo saarnaa Gaari uu leeyahay Sarkaal lagu Magacaabo Ibnu Bashiir oo ah Taliyaha Ciidamada ay Al-Shabaab ugu yeeraan Xisbada ee gobalka Hiiraan, wuxuuna xilligaasi taagnaa gaariga meel fariisin u ahayd Xubno katirsan Al-Shabaab ayaa lagu yiri” Warka kasoo baxay Wasaaradda.
Sidoo kale Wasaaradda Warfaafinta ayaa sheegtay in howlgalkan lagu dilay Sarkaalkii Guud ee Caafimaadka Xubnaha Al-Shabaab ay ugu yeeraan xisbada Gobalka Hiiraan oo lagu magacaabi jiray Muxsin iyo Anas oo ahaa Sarkaalkii isla Al-Shabaab u qaabilsanaa aagga Jalalaqsi iyo Xubno kale oo saarnaa gaariga iyo kuwa joogay halka uu howlgalka ka dhacay.
Dowladda oo kaashanaysa Shacabkeeda iyo Saaxiibada Caalamiga ah waxaa ka go’an ciribtirka Al-Shabaab, waxaana Dowladdu mar kale uga mahadcelinaysaa shacabka Soomaaliyeed iyo Saaxiibada Caalamka doorkooda dagaalka ka dhanka ah ayaa lagu soo geba-gabeeyay qoraalka Wasaaradda.