Askari katirsan Ciidamada Dowladda Soomaaliya ayaa goordhow Isgoyska Jubba gaar ahaan agagaarka Gurigii hore ee Maxamed Deere ee Magaalada Muqdisho kudilay Darawal Mooto Bajaaj, isaga oo dilka kadib Goobta ka baxsaday.
Dilka kadib qaar kamid ah Wadayaasha Mooto Bajaajta ayaa dhigaya dibadbax ay dilka uga soo horjeedaan, iyaga oo sheegay in askarigii dilka geystay uu ku baxsaday Mootadii uu waday darawalkii uu dilay.
Bannaanbaxayaasha ayaa sheegay in dilalka loo geysanayo Maalmahaan uu aad ugu soo bataya Magaalada Muqdisho, waxaana ay sheegeen in hadii wax laga qaban waayo ay ub iibsan doonaan, isla markaana ay is difaaci doonaan.
Maalmihii la soo dhaafay ayaa waxaa magaalada muqdisho aad ugu soo batay Dilalka loo geysanayo darawalada Mooto Bajaajta , waxaana shalay ay aheyd markii darawal Mooto Bajaaj lagu dilay agagaarka laami yaraha Soobe ee Magaalada Muqdisho.