Home Afsomali Xisbigii C/raxmaan Cabdishakuur oo lagu kala tagay Masuuliyiin is casishay (Magacyada) ...

Xisbigii C/raxmaan Cabdishakuur oo lagu kala tagay Masuuliyiin is casishay (Magacyada) iyo ceeb ka taagan

 

Xisbiga Wadajir uu aas aasay Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame ayaa qarka u saaran bur bur, waxaana xisbigaasi ka tagay inta badan masuuliyiintii xilka ka hayay iyo xubno kale oo saameyn badan ku lahaa.

Qoraal lasoo dhigay barta Facebook ee xisbiga Wadajir ayaa lagu shaaciyay in ay is casileen guddoomiyaha Xisbiga Wadajir iyo xubno kale oo isugu jiray qaar kamid ah aas aasayasaha xisbiga iyo kuwa jagooyin ka hayay.

Xubnahan isaga tagay xisbiga Wadajir ayaa waxaa ku jira xildhibaano katirsan baarlamaanka federaalka ,siyaasiyiin xilal xilligan ka haya dowladda iyo sidoo kale siyaasiyiin horey xilal kala duwan usoo qabtay.

Wali lama oga waxa uu salka ku hayo is casilaada xubnahan ,sidoo kale wax faah faahin ah kama aysan bixin is casilaadooda, waxaana soo baxaya warar sheegaya in hoggaamiyaha xisbiga Cabdiraxaamn Cabdishakuur iyo xubnahan arrimo taagan isku fahmi waayeen.


LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.