Home Afsomali 3 ka mid ah ciidamada erteeya lagu soo rababaray oo jaad dhucid...

3 ka mid ah ciidamada erteeya lagu soo rababaray oo jaad dhucid loo dilay

C

Israsaaseyn ayaa Ciidamo ka wada tirsan kuwa dowladda Soomaaliya waxaa ay ku dexmartay Isgoyska Towfiiq ee Magaalada muqdisho, waxaana ka dhashay khasaaro iugu jira dhimasho iyo dhaawac oo soo kala gaaray labada dhinac.

Goobjoogayaal ayaa waxaa ay sheegeen in is rasaaseynta ay timid kadib markii Ciidamo katirsan kuwa lagu soo tababaray waddanta Ereteriya oo watay Mooto Bajaaj oo dhacayay Jaad ay kusoo baxeen Ciidamo Boolisk ah oo Isgoyska joogay.

Ilaa Saddex kamid ah Ciidamada kamid ah kuwa lagu soo tababaray dalka Ereteriya ayaa is rasaaseynta ku geeriyooday halka hal askari oo Boolis ah uu ku dhaawacmay, sida uu  sheegay qof goobjooge ah.

Muddo ku dhow saacad ayaa waxaa hakad galay isku socodka dadka iyo Gaadiidka ee Isgoyska Towfiiq ee degmada Yaaqshiid wallow markii dambe uu dib u furmay, iyada oo laamaha Amniga Soomaaliya aysan weli ka hadlin falkaas.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.