Home Afsomali Deg deg Madaxweyne Xasan Sheikh oo sheegay inuu diyaar u yahay inuu...

Deg deg Madaxweyne Xasan Sheikh oo sheegay inuu diyaar u yahay inuu wada hadal la galo Alshabaab

Madaxweyne Xasan Sheikh oo sheegay inuu diyaar u yahay inuu wada hadal la galo Alshabaab

Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheikh oo wareysi siiyay telefishinka caalamiga ah ee Alj azeera, ayaa sheegay inuu diyaar u yahay wada hadal uu la galo Ururka Alshabaab.

Madaxweyne Xasan Sheikh ayaa ku xiray shu ruudo lagula heshiiyo Alshabaab, sharuudaha as oo uusan madaxweynuhu ku sheegin wareysiga uu bixiyay.

Xasan Sheikh waxa uu xusay in dadka u daga alama Alshabaab ay u badan yihiin dhallinyaro So omaaliyeed, islamarkaana aysan heysan dal kale oo ay ku noolaadaan.

Madaxweyne Xasan Sheikh ayaa carrabka ku adkeeyay in Alshabaab aan looga adkaan karin cudud ciidan oo keliya. Wuxuu sheegay in dowla ddiisa ay qaadatay istiraatiijiyad dhinacyo badan leh oo lagula dagaalamayo Al-Shabaab, oo ay ku jiraan hab militari, hab diimeed, iyo tallaabooyin dhaqaale.Si kastaba ha ahaatee, madaxweyne Xasan Sheikh Maxamuud ayaa sanadkii horey markuu xilka ku guulaystay sheegay in dowladd iisa ay wada hadal la galidoonto Alshabaab marka awood ahaan kooxda Alshabaab loo daciifiyo oo ay dowladdu ka saarto dhulka ay maamulaan.

Dowladda Soomaaliya ayaa haatan maamusha dhul badan oo ay Alshabaab maamuli jireen 15kii sano ee ugu dambeeyay, taasoo ka dhalatay howl gal 3 bilood socday oo Shabaab looga saaray badi degaanada Hirshabeelle iyo Galmudug.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.