Home Afsomali Ciidanka DANAB oo sameeyay howlgal ka dhan ah Al-Shabaab

Ciidanka DANAB oo sameeyay howlgal ka dhan ah Al-Shabaab

Ciidanka Kumaandooska Danab ee Xoogga dalka ayaa maanta howlgal qorsheysan ku qaaday Saldhigyo ay Al-Shabaab ku lahaayeen deegaano hoostaga degmada Galcad ee Gobolka Galgaduud.

Inta uu howlgalka socday waxaa Ciidanku ay ku guuleysteen inay soo saaraan Miinooyin ay Al-Shabaa ku Aaseen wadooyinka, sida uu Idaacadda codka Ciidamadda qalabka sida uxaqiijiyay Taliyaha Ururka 4-aad, guutada 16-aad Kumaandooska DANAB Laba-xidigle Cabdullaahi Mustafa Cali ” Madaale-qaran” oo howlgalka hogaaminayay.

Sidoo kale wuxuu sheegay in howlgalkan uu kamid yahay ah howlgalada lagu cirib tirayo Al-Shabaab ee kasoconaya gobalada dalka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.