Hay’adda Maareynta Musiiboyinka Qaranka ayaa soo saartay digniino ku aadan in fatahaad qasaaro badan geysta uu wabiga Shabelle ka sameeyo Magaalada Baledweyne iyo deeganada ku xeeran.
Qoraal kasoo baxay hay’adda Maareynta Musiiboyinka Qaranka ayaa lagu sheegay in sare u kaceen biyaha wabiga Shabelle ee mara magaalooyinka Baledweyne iyo Jowhar lagana cabsi qabo in fatahaadyo xooggan geestaan.
Waxa ay sheegeen hay’adda Maareynta Musiiboyinka Qaranka in suurto gal tahay in 96 saacadood gudahood wabiga Shabelle ku fataho magaalada Baledweyne uuna halkaasi ka geesto khasaaro badan.