Home Afsomali Tababbar la xiriira dhaqan-gelinta shuruucda iyo sharciyada Hay’adda Duulista Rayidka Soomaaliyeed oo...

Tababbar la xiriira dhaqan-gelinta shuruucda iyo sharciyada Hay’adda Duulista Rayidka Soomaaliyeed oo u furmay maamulka iyo howlwadeennada

Tababbar la xiriira dhaqan-gelinta shuruucda iyo sharciyada Hay’adda Duulista Rayidka Soomaaliyeed oo u furmay maamulka iyo howlwadeennada

;Maareeyaha Guud ee Hay’adda Duulista Rayidka Soomaaliyeed, Mudane Axmed Macallin Xasan ayaa maanta daahfuray tababbar la xiriira dhaqangelinta shuruucda iyo sharciyada Hay’adda Duulista Rayidka Soomaaliyeed (HDRS), iyadoo ay qaadanayaan maamulka iyo howlwadeennada HDRS.

Tababbarkan ayaa qeyb ka ah qorshaha lagu dhammeystirayo shuruucda Hay’adda Duulista Rayidka Soomaaliyeed,tan oo gacan ka geysanaya qorshaha guud ee lagu horumarinayo HDRS.

“ Tan iyo bartamihii sannadkii 2018 oo aan la soo wareegnay Hawada dalkeenna, waxaa la qaaday tallaabooyin lugu horumarinayo Hay’adda Duulista Rayidka Soomaaliyeed.” ayuu yiri Maareeyaha guud ee HDRS , Mudane Axmed Macallin oo intaa ku daray “ Maanta waa wax aan ku faani karno markii u horreysay dal ahaan inuu qaranku leeyahay hay’ad Duulista Rayidka oo joogta heerka u sarreeya.. dhammeystirka dhaqan gelinta shuruucda iyo sharciyada qaran iyo kuwa caalamiga ah oo aan maanta u joogno, waa taariikh kale oo muhiim u ah qaranka.”

Muddada uu socda tababbarkan waxaa bixinaya khuburo ka tirsan Hay’adda IOS PARTNERS oo taageerro ka helaya Hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan Duulista ee ICAO.

DHAMAAD-

Wixii Faah-faahin ah kala xiriir
Mohamed Faradheere
Xafiiska Warfaafinta iyo Xiriirka Dadweynaha Wasaaradda Gadiidka iyo Duulista hawada XFS
Emil Info@motca.gov.so
Info.motca@gmail.com
https://instagram.com/stories/motcasomalia/
https://www.facebook.com/profile.php?
Twitter: https://twitter.com/motcaSom?
Website: https://motca.gov.so//

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.