Home Afsomali Feysal Waraabe oo ku hanjabay in Muqdisho ka degayo Haddii Muuse Biixi...

Feysal Waraabe oo ku hanjabay in Muqdisho ka degayo Haddii Muuse Biixi uu…

Hoggaamiyaha xisbiga Mucaaradka Somaliland ee UCID Feysal Cali Waraabe ayaa ka hadlay wadahadalada la filayo in mar kale u furmaan dowladda federaalkka Soomaaliya iyo maamulka Somaliland .

Feysal Waraabe ayaa sheegay in xukuumadda Madaxweyne Muuse Biixi aysan wadahadal la geli karin dowladda Soomaaliya iyada oon lagala tashan go’aan mid ahna aysan ka gaarin saddexda xisbi ee ka jira Somaliland.

Waxa uu sheegay Feysal Waraabe in wahadalkii horey labada dhinac u dhax maray ka heshiiyeen xisbiyadda ka jira Somaliland ,kaddibna loo gudbiyay baarlamaanka sidaasna ku bilowday wadahadalkii hore u dhax maray Somaliland iyo Soomaaliya.

“Markii aan 2012 kii wada hadallada bilaabeynay waxay martay habraac, saddex xisbibaa ku heshiiyey in arrintaa la galo, kadib baarlamaankaa la geeyay baarlamaankuna wuxuu ka saaray qodobkii ahaa ‘in aan Soomaaliya lala hadal’ intaas kadibna waxaan la tagnay maqam qaran oo la isku wada faaqsan yahay” ayuu yiri Feysal Cali Waraabe.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.