Home Afsomali In ka badan 40 xubnood oo ka Tirsan Alshabaab oo lagu dilay...

In ka badan 40 xubnood oo ka Tirsan Alshabaab oo lagu dilay Hawlgal ka dhacay gobolka Shabeeladaa Hoose

Hawlgal qorshaysan oo Ciidanka Sirdoonka iyo Nabad Sugidda Qaranka iyo saaxiibada caalamiga ah ay ka fuliyeen degaanka Cali Fuuto ee hoos taga degmada Kurtun Waarey ee Gobolka Shabeellaha Hoose ayay ku dileen 44 xubnood oo  ka tirsanaa Al-Shabaab oo isugu jiray Saraakiil iyo xubno kale, kuwaasi oo isku aruursanayaydhufeysyo ay halkaas ka sameysteen.

Howgalkaan ayaa dhacay 12-bishan, ka dib markii Sirdoonka Qaranka ee NISA uu helay xogta Xubnaha la beegsaday ee Alshabab oo in muddo ah isku aruursanayay degaankaas.

Howlgalkaan waxaa sidoo kale lagu burburiyay godad ay halkaas ka qoteen Alshabaab , hub iyo saanado kale oo ay ku aruurinayeen Alshabaab ayaa lagu yiri’ war qoraal ah oo  ka soo bxay wasaarada Warfaafinta Soomaaliya  .

Dowladda Soomaaliya oo kaashanaysa shacabkeeda iyo saaxiibada caalamiga ah waxaa ka go’an in Alshabab lagu beegsado goob kasta oo ay gabaad ka dhigtaan, iyadoo haatana Ciidanka Qaranka iyo dadka Soomaaliyeed ay dhul badan ka xoreeyeen Alshabaab ayaa sidoo kale lagu yiri qoraalka .

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.