Home Afsomali Toogasho saaka lagu fuliyay rag dilal geystay Magaalada Baydhabo

Toogasho saaka lagu fuliyay rag dilal geystay Magaalada Baydhabo

Maxkamadda gobolka Baay ayaa saaka dil toogasho ah ku fulisay labo nin oo lagu kala magacaabo Aadam Cali Cabdi oo horey u dilay Marxuum Macalin Daahir Cabdullahi Mukhtar iyo Maxamed Geedow Nuurow oo Isna  dilay Marxuum Jamaal Abdikariin Maadey.

Fagaaraha toogashada Magaalada Baydhabo ayaa saaka looga oofiyay qisaastii dilkii.

Mas’uuliyiin iyo saraakiil katirsan Dowlad gobaleedka Koonfur Galbeed ayaa goobjoog ka ahaa fagaaraha xukunka dilka ka dhacayay, waxaa sidoo kale goobtajoogay ehelada dadkii ay dileen ragan saakay la toogtay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.