Home Afsomali Maxay ka wada hadleen Guddoomiye Aadan Madoobe iyo Madaxweynaha Koonfur Galbeed?

Maxay ka wada hadleen Guddoomiye Aadan Madoobe iyo Madaxweynaha Koonfur Galbeed?

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ahna Ku-simaha Madaxweynaha Sheikh Adan Mohamed Nur Madoobe ayaa xafiiskiisa maanta kulan kula qaatay Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed (Laftagareen).

Kulanka Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS iyo Madaxweynaha Koonfur Galbeed ayaa looga hadlay xaalada guud ee dalka gaar ahaan deegaannada Koonfur Galbeed iyo sidii loo sii amba qaadi lahaa wajiga labaad ee dib u xorreynta deegaannada Al-Shabaab go’doomiyeen si dadka Soomaaliyeed ay u helaan nabad gelyo iyo xasilooni.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.