Home Afsomali Maamulka G/Banaadir oo sheegay inay tallaabo ka qaadayaan dadka ka ganacsada daawooyinka...

Maamulka G/Banaadir oo sheegay inay tallaabo ka qaadayaan dadka ka ganacsada daawooyinka dhacay

Maamulka Gobolka Banaadir ayaa ku hanjabay inay tallaabo mcad ka qaadi doonaan dadka ka ganacsada daawooyinka dhacay iyo dhaqaatiirta aan qibrada laheyn ee ka Shaqeeya Goobaha Caafimaad ee kuyaalla Magaalada Muqdisho.

Guddoomiye kuxigeenka Amniga iyo Siyaasadda Gobolka Banaadir Maxame Axmed Diiriye ( Yabooh) ayaa sheegay in dadka iibiya dawoyiinka yaalaa Farmashiyaaasha ee aan qibrada lahaayn Tallaabo adaag ay ka qaadi doonaan.

“Dalkeena Maanta waxa baabi’iyay dad aan Dhaqaatiir ahayn, Waxaa baaabi’iyay dad aan Aqoon u lahayn waxa ay ka shaqeeynayaan, Waxa baabi’iyay daawo aan sax ahayan oo sidii laa rabo dalka loo soo gelinayo dadkana lagu sumeynaayo ayuu yiri Gudoomiye yaboh’.

Sidoo kale’ Gudoomiye yabooh ayaa sheegaay in dhawaan ay sameyn doonaan hawlgallo ay ku soo qabanayaan dawooyinka dhacay iyo dadka ka ganacsada .

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.