War qoraal ah oo kasoo baxay Taliska Mareykanka ee Afrika ayaa lagu sheegay in duqeynta lagu bur buriyay hub iyo agab kale oo ay kooxda Al-shabaab ka qabsadeen Saldhiga ciidanka ATMIS ee degmada Buula mareer ee gobolka Shabeellaha Hoose.
Taliska ayaa sidoo kale qoraalkiisa ku sheegay in duqeynta aysan wax khasaare ah kasoo gaarin dadka shacabka ah ee ku nool halka ay duqeynta ka dhacday oo aan ka fogeyn degmada Buula mareer.
Qoraalka Taliska Mareykanka ee Africom laguma cadeyn in duqeynta lagu dilay xubno ka mid ah dagaalyahanada Shabaab iyo in kale.
Dhawaan ayay aheyd markii Taliska Africom uu shaaciyay in hoggaamiye ka tirsan Ururka Al-shabaab lagu dhaawacay duqeyn ay ka fuliyeen degmada Jilib ee gobolka Jubadda Dhexe.